Connect with us

somalilandtoday.com

Sudan Oo Diiday Shuruud Lagu Xidho In Laga Saaro Liiska Argagixisada

focus

Sudan Oo Diiday Shuruud Lagu Xidho In Laga Saaro Liiska Argagixisada

Sudan Oo Diiday Shuruud Lagu Xidho In Laga Saaro Liiska Argagixisada

(SLT-Khartoum)-Raysal wasaaraha Sudan Cabdalla Hamdok ayaa shalay oo Sabti ahayd sheegay in Sudan ayna dooneyn is la isku xidho ka saarista dalkaasi ee liiska argagixisada ee Mareykanku ku daray oo ah arrin hortaagan helitaanka maalgalin shisheeye ee dhaqaalaha dalkaasi, iyo in la hagaajiso xidhiidhkeeda Israa’iil.

Ilo wareedyo ayaa toddobaadkan ku warramay in saraakiisha Mareykanku ay muujiyeen in ay doonayeen in Khartuum ay raacdo Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn oo ay xidhiidh la sameysato Israa’iil.

Liiska Sudan u aqqoonsanaya in ay ka mid tahay dalalka taageerada siiya argagixisada ayaa soo bilowday waqtigii uu dalkaasi ka talinayay kaligii taliyihii xilka laga tuuray Cumar al-Bashir, waxaana ka mid ahaanshaha liiska ay adkaysay in dowladda cusub ee ku meel gaarka ah ay si deg deg ah u hesho kaalmo deyn cafin ah iyo maalgalin shisheeye.

Hamdok ayaa sheegay in Sudan ay u sheegtay Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Mike Pompeo booqashadii uu bishii hore ku tagay dalkaasi in ay lagama maarmaan tahay in la kala saaro ka saarista liiska Maraykanka iyo in la caadiyeeyo xidhiidhka ay la leedahay Israa’iil.

“Mowduucan (xidhiidhka Israa’iil) waxa uu u baahan yahay dood qoto dheer oo bulshada dhexdeeda ah,” ayuu ra’iisulwasaaruhu ka sheegay shir looga hadlayay dib u habeynta dhaqaalaha oo ka dhacay Khartuum.

Sicir-bararka sii kordhaya ee dalka Sudan iyo lacagta oo hoos u siidhaceysa ayaa ah caqabadaha ugu weyn ee heysta maamulka KMG ee ee Hamdok, oo talada la wadaaga millatariga tan iyo markii xukunka laga eryay Bashiir.

Sudan ayaa lagu daray liiska Mareykanka ee dalalka taageerada siiya argagixisada sannadkii 1993-kii, sababt oo ah Mareykanka ayaa rumeysnaa in taliskii Bashiir uu taageerayay kooxaha mintidiinta. Laakiin qaar badan oo ka mid ah dadka reer Sudan ayaa u arka in tani ayna caddaalad aheyn maadaama xilka laga tuuray Bashiir sannadkii hore, Suudaanna ay muddo dheer iskaashi kala sameysay Mareykanka howlaha la dagaallanka argagixisada.

Burhan iyo Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa horraantii sanadkan kulan lama filaan ah ku yeeshay dalka Uganda. Haddana, yagleelidda xidhiidh lala yeesho Israa’iil ayaa ah mid xasaasi ah, maadaama ay Sudan cadow weyn ku ahayd Israa’iil xilligii Bashiir uu talada hayay.

More in focus

To Top