Connect with us

somalilandtoday.com

Shiinaha Oo Dhoolatus Millatari Ka Sameeyay Gacanta Taiwan

focus

Shiinaha Oo Dhoolatus Millatari Ka Sameeyay Gacanta Taiwan

Shiinaha Oo Dhoolatus Millatari Ka Sameeyay Gacanta Taiwan

Afhayeen maanta gelinkii dambe u hadlay wasaaradda Gaashaandhigga ee wadanka Shiinaha , magaciisana la yidhaahdo Tan kafei ayaa warbaahinta u sheegey in ciidamadda wadanka shiinaha oo loo yaqaano , ciidamadda xoraynta dadka shiinahA ( PLA) ay dhoola tus wayn oo ah mid u eeg dagaal rasmiya ay ku samayn doonaan gacanka Taiwan ee badwaynta Pacific gga.

Maraakiibta diyaaradaha xambaara ee wadankaasi shiinaha ee la kala yidhaahdo Liaoning iyo Shandong ayaa ka midda ciidamadda ka qayb qaadanaya dhoolatuskan , waxaana maraakiibtani imika ku sugan yihiin gacanka Taiwan iyagoo aad ugu dhaw dhulka Twain , iyadoo dhoola tuskani socon doono sidda la sheegey ilaa berri gelinka dambe.

Dhinaca kale , afhayeen u hadlay maalintii shalay wasaaradda arrimaha dabadda ee shiinaha ayaa ku hanjabay hadii ay sii socdaan kulamadda heerka sarre ah ee dhexmaraya madaxda Taiwan iyo wadanka maraykanku in ay ciidamadooda u diri doonaan Taiwan , sidaa darteed dhoolatuskan ayaa laggu macnaynayaa in uu jawaab u yahay xidhiidhadda tooska ah ee baryahan dambe dhex marayay Taiwan iyo Maraykan .

Si kastaba ahaatee , 5 sanadood ee ugu dambeeyey aduunyaddu waxay badhtanka ugu jirtay dagaal qabow oo si lama filaana uga dhex bilaabmay dawldaha waawayn , waxaana imika meel walba lagga dareemayaa , dhoolatuska ciidamadda , iibka hubka oo sarre u kacay iyo tartanka dawladuhu ugu jiraan samaynta hub cusub.

Waxa diyaariyay Axmed Nuur Guruuje

More in focus

To Top