Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Jabuuti Oo Khudbad Uu U Jeediyay Qaramada Midoobay Ka Hadlay Arrimaha Soomaaliya

focus

Madaxweynaha Jabuuti Oo Khudbad Uu U Jeediyay Qaramada Midoobay Ka Hadlay Arrimaha Soomaaliya

Madaxweynaha Jabuuti Oo Khudbad Uu U Jeediyay Qaramada Midoobay Ka Hadlay Arrimaha Soomaaliya

(SLT-Jabuuti)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay heshiiskii 17-kii bishaan September ay Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyneyaasha maamul Gobolleedyada iyo Guddoomiyaha Banaadir ka gaadheen Doorashada Soomaaliya ee 2020/2021.

Madaxweyne Geelle oo shalay Khudbad ka jeediyay Meertada 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyay heshiiskii ay Madaxda ka gaadheen Doorashada, isagoona u mahadceliyay Madaxdii ka qeyb gashay shirkii Muqdisho.

Sidoo kale Madaxweynaha Jabuuti ayaa heshiiska Doorashada ku tilmaamay mid muujinaya in Soomaaliya ay qaaday dhabbaha jiheysan ee nabadda iyo xasiloonida, isla markaana si wadajir heshiis loo gaadhay.

Dhinaca kale Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay magacaabista Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, isagoona soo dhaweeyay magacaabista Rooble oo kalsoonida lasiiyay, si uu u soo dhiso Xukuumad Cusub, isagoo Beesha Caalamka ugu baaqay taageerista Somalia.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in focus

To Top