Connect with us

somalilandtoday.com

Sacuudiga Oo Shaaciyey Wakhtiga Dib Loo Bilaabayo Gudashada Cimrada

focus

Sacuudiga Oo Shaaciyey Wakhtiga Dib Loo Bilaabayo Gudashada Cimrada

Sacuudiga Oo Shaaciyey Wakhtiga Dib Loo Bilaabayo Gudashada Cimrada

(SLT-Riyadh)-Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday inay ogolaaneyso gudashada Cimrada iyo gelitaanka Masaajidka Nabiga laga billaabo 4-ta October 2020.

Bayaan kasoo baxay wasaaraddda arrimaha gudaha ee Sacuudiga oo ay Somalilandtoday heshay ayaa lagu yidhi “ iydoo la raacayo tallada dhakhaatiirta, lana tix gelinaayo baahida ay dadka muslimiinta u qabaan inay soo booqdaan masaajidka nabiga iyo goobaha barakeysan, waxay mas’uuliyiinta Sacuudigu go’aansadeen in muslimiinta loo ogolaado inay gutaan cimrada”.

Mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaas ayaa sheegay in marka hore loo ogolaanaayo muwaadiniinta iyo dadka deggan Sacuudiga inay tira xaddidan u cimraysan kadibna loo wada ogolaan doono musliimiinta kale ee daafaha dunida ka imaanaya.

Dowladda Sacuudiga ayaa sannadkaan baajisay gudashada cimrada iyo xajka iydoo ka taxadireysa faafidda Karona iyo bad qabka Muslimiinta.

More in focus

To Top