Connect with us

somalilandtoday.com

Maxaa Ka Jira Warar Sheegaaya In Ciidammada Ethiopia Ay Soo Galeen Gudaha Somaliland, Dadna Ka Qab-qabteen??

focus

Maxaa Ka Jira Warar Sheegaaya In Ciidammada Ethiopia Ay Soo Galeen Gudaha Somaliland, Dadna Ka Qab-qabteen??

Maxaa Ka Jira Warar Sheegaaya In Ciidammada Ethiopia Ay Soo Galeen Gudaha Somaliland, Dadna Ka Qab-qabteen??

(SLT-Hawd)-Guddoomiye ku xigeenka gobolka Hawd iyo masuuliyiinta gobolkaas oo si wada jir ah warbaahinta Qaranka ula hadlay ayaa ka hadlay warar been abuur ah oo maalmihii ugu dambeeyey baraha bulshadda lagu baahinaayey, kuwaas oo sheegaayey in ciidamada Ethiopia ay soo galeen xuduudka Somaliland isla markaana ay dad ku xidh xidheen.

Masuuliyiintan ayaa sheegay in ay waxba kama jiraan tahay wararka sheegaayey in ciidamada Ethiopia ay usoo talaabeen dhinaca Somaliland, isla markaana ay dad ku xidh xidheen, waxaanay tilmaameen in gaadhi ay lahaayeen ciidamada Ethiopia ay wadadu kasoo khaldantay, markii dambena la celiyey.

Gaadhigan oo ay lahaayeen ciidamada Federalka ee Ethiopia ayay masuuliyiinta gobolka Hawd sheegeen in ay dib u celiyeen ciidamada Laanta socdaalka ee Somaliland iyo ciidamada Booliska Somaliland, waxaanay masuuliyiintani sheegeen in gaadhigani dib ugu noqday dalka Ethiopia, kadib markii loo tilmaamay wadadii uu ka ambaday.

Masuuliyiintan ayaa usoo jeediyey dadka wararka been abuurka ah qoraaya ee fidinaaya in ay ka fiirsadaan waxa ay qorayaan, waxaanu tilmaamay in ay baadhayaan ciddii wararkan beer abuurka ah faafisay.

More in focus

To Top