Connect with us

somalilandtoday.com

Garsoore Ka Tirsan Maxkamadda Sare Ee Mareykanka Oo Geeriyootay

focus

Garsoore Ka Tirsan Maxkamadda Sare Ee Mareykanka Oo Geeriyootay

Garsoore Ka Tirsan Maxkamadda Sare Ee Mareykanka Oo Geeriyootay

(SLT-Washington)-Ruth Bader Ginsburg oo ahayd garsoore muddo dheer ee Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa fiidnimadii Jimcaha u geeriyootay cudurka kansarka.

Ginsburg, oo aheyd haweeneydii labaad ee garsoore ka noqota Maxkamadda Sare, ayaa ku dhimatay gurigeeda oo ku yaalla caasimadda Washington iyadoo ay qoyskeedu ku hareereysnaayeen, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay maxkamada. Waxa ay ahayd 87 jir.

“Qarankeennu wuxuu lumiyay astaan taariikheed,” ayuu ku yidhi qoraal uu soo saaray Madaxa Maxkamadda Sare John Roberts.

Ginsburg ayaa ahayd ololeeye xuquuqda dumarka ah waxayna ahayd garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare illaa 1993-kii.

Waxay u dhimatay dhibaatooyin ka dhashay kansarka xameetida ku dhaca, sida ay Maxkamaddu ku sheegtay qoraalkeeda.

Dhimashada Ginsburg ayaa siineysa Madaxweyne Donald Trump suurtagalnimada inuu sii ballaadhiyo aqlabiyadda garsooreyaasha muxaafidka ee Maxkamadda Sare, islamarkaana uu magacaabo garsoore saddexaad, xilli ay doorashadu soo dhowaaneyso.

Raadiyaha Qaran ee NPR ayaa wariyay in maalmo ka hor geerideeda ay Ginsburg waraaq u yeedhisay gabadh ay ayeeyo Clara Spera,iyadoo qoraalka ku sheegtay “rabitaankeyga aadka u weyn ayaa ah in aan la i beddelin illaa madaxweyne cusub la soo doorto.”

More in focus

To Top