Connect with us

somalilandtoday.com

Diyaarad Ku Burburtay Garoonka Aadan Cadde Ee Muqdisho

focus

Diyaarad Ku Burburtay Garoonka Aadan Cadde Ee Muqdisho

Diyaarad Ku Burburtay Garoonka Aadan Cadde Ee Muqdisho

(SLT-Muqdisho)-Diyaaraddaan ayaa ah nooca xamuulka qaadda, waxayna kusii jeedday magaalada Beledweyne, cilad farsamo oo ku timid awgeed ayey kusoo dhacday garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Ma jiraan khaaaare nafeed oo ka dhashay, waxaana lagasoo badbaadiyay 4 qof oo saarnaa, sida ay u sheegayaan Ilo wareed ku sugan madaarka magaalada Muqdisho.

Waxay hadda taallaa meel aan aheyn dhabbaha diyaaradaha ay ka degaan.

Sii-hayaha wasiirka gaadiidka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA u sheegay in loo gurmaday dadkii diyaaradda saarnaa, balse muu sheegin nooca ciladda farsamo ee diyaaradda heshay.

Soomaaliya waxaa aad igu kordhaya shilalka diyaaradaha, kuwaas oo dhammaantood la sheegay in la baadhayo, balse weli aan wax natiijo ah oo kama dambeys ah lagama soo saarin.

More in focus

To Top