Connect with us

somalilandtoday.com

“Xil Aan Iska Casilayna Ma Jiro Shacabkii I Doortay Ayaan U Shaqaynaya…” Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo U Jawaabay Wasiir Saajin

focus

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa ka jawaabay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegaya in uu is-casilayo, waxaanu si dadban ugu jawaabay wasiirka wasaaradda ganacsiga oo shalay eedaymo u jeediyay.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa qoraal kooban oo ku baahiyay bartiisa twitter ayuu ku yidhi “Aniga waxaan ka soo fantay siyaasada Golaha Deeganka,waxan ka mid ahay Aasaasayasha KULMIYE, Axmed Siiraanyo qofka labeeya ayaan ahay, tacab badan ayaa igaga jira KULMIYE socod barad ma ahi dabayshu wado.xil aan iska casilayna ma jiro shacabkii i doortay ayaan u shaqaynaya.”

More in focus

To Top