Connect with us

somalilandtoday.com

Midowga Culimada Islaamka Oo War Kasoo Saaray Heshiiskii Baxreyn Iyo Israa’iil

focus

Midowga Culimada Islaamka Oo War Kasoo Saaray Heshiiskii Baxreyn Iyo Israa’iil

Midowga Culimada Islaamka Oo War Kasoo Saaray Heshiiskii Baxreyn Iyo Israa’iil

(SLT-Bahrain)-Midowga Caalamiga ah ee Culimada Muslimiinta ayaa si rasmi u muujiyay dareenkiisa ku aaddan heshiiska Dowladda Baxrayn ay dhawaan la galay Israel, kadib markii heshiis uu shaaciyay Madaxweyaha Mareykanka.

Midowga Caalamiga ah ee Culimada ayaa heshiiskaas Baxrayn la gashay Israa’iil waxaa ay ku tilmaameen inuu yahay khiyaamo qaran oo laga gelayo shacabka Falastiin iyo umadda Islaamka ah.

Xoghayaha Guud ee Midowga Culimada Islaamka Ali Al-Qardagi ayaa sheegay in kulankii ugu dambeeyey ee midowga uu kasoo baxay bayaan ay kaga hadlayaan heshiiskaas iyo sida ay u arkaan,

Sidoo kale Xoghaye Ali Al-Qardagi ayaa tilmaamay in heshiiskaasi uu yahay mid lagu deg-degay, maadaama Israa’iil ay weli ku adkaysanayso inay sii haysato dhulka umadda islaamka ah ee Falastiin.

Waa waddankii Afaraad oo Carbeed, isla markaana xidhiidh diblumaasiyadeed oo toos ah la yeesha Israa’iil, waxaa heshiis hore la gaaray Israa’iil wadamada Masar, Urdun, iyo Imaaraadka.

More in focus

To Top