Connect with us

somalilandtoday.com

Gabadh 16 Jir Ah Oo Dhimirka Ka Xanuunsanaysa Oo Lagu Kufsaday Garowe

focus

Gabadh 16 Jir Ah Oo Dhimirka Ka Xanuunsanaysa Oo Lagu Kufsaday Garowe

Gabadh 16 Jir Ah Oo Dhimirka Ka Xanuunsanaysa Oo Lagu Kufsaday Garowe

(SLT-Hargeysa)-Gabadh dhimirka ka xanuunsanaysa oo 16 jir ah ayaa kufsi wadareed loogu gaystay magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland, sida ay sheegtay hooyada dhashay oo saxaafadda la hadashay.

Gabadhan oo ay qoyskeeda waayeen in muddo saacaddo ah ayaa waxaa kufsi iyo jidh-dil u geystay laba nin oo la sheegay inay walaalo ahaayeen oo mid kamid ah gacanta lagu dhigay.

Labada nin ee falkaan geystay ayay hooyada dhashay dhibbanaha sheegtay in ay deris la ahaayeen qoyskooda, iyadoo tilmaamtay markii ay gabadhu gurigeeda ka baxday inay cidlo ka heleen kadibna ay kufsadeen.

Deeqo Maxamed Cabdi waxay codsatay in cadaalada loo horkeeno dambiilayaasha falkaan ka dambeeyay.

Puntland kiisaska kufsiga ayaa aad ugusoo badanaya, waxaana sannadkan iyo sannadki hore ka dhacay kiisas isugu jira kufsi iyo dil.

More in focus

To Top