Connect with us

somalilandtoday.com

Cali Sandule Oo Galabta Hargeysa Lagu Aasay

focus

Cali Sandule Oo Galabta Hargeysa Lagu Aasay

Cali Sandule Oo Galabta Hargeysa Lagu Aasay

Alle how naxariistee waxaa galabta magaalada Hargeysa lagu aasay Siyaasigii caanka ahaa Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule), oo isla maanta magaaladaas ku geeriyooday.


Marxuum Cali oo ahaa ninkii qabsashaddii Laascaanood Ciidamada Somaliland u fududeeyey, ayaa sida caadada Somaliland ahaan jirtay waxaa la filayey in sida siyaasiyiinta la midka ah Aas Qaran loo sameeyo, balse waxaa galabta Aastay ehelkiisii, iyadoo wax masuuliyiin ah uu ka qayb galay Wasiirka horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, oo isagu si weyn uga muuqday goobtii Aaska ee Marxuum Cali Sandule.

Ilaahay how naxariisto marxuum Cali, heladiisiina samir iyo iimaan haka siiyo.

More in focus

To Top