Connect with us

somalilandtoday.com

Dalkii Labaad Oo Khaliij Ah Oo Xidhiidh Rasmi Ah La Yeeshay Israa’iil

focus

Dalkii Labaad Oo Khaliij Ah Oo Xidhiidh Rasmi Ah La Yeeshay Israa’iil

Dalkii Labaad Oo Khaliij Ah Oo Xidhiidh Rasmi Ah La Yeeshay Israa’iil

Bahrain ayaa noqotay dalkii ugu dambeeyey oo Carab ah oo ogolaada inuu xidhiidh la yeesho Israel, taasi oo qeyb ka ah dadaal uu wado maamulka madaxweyne Trump oo is-dhexgal loogu abuurayo Israel iyo dalalka Carabta ee Bariga Dhexe.


Trump ayaa heshiiskan ku dhowaaqay maanta kadib wada-hadal taleefon oo saddex geesood ah oo uu la yeeshay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo boqorka Bahrain Hamad bin Isa Al Khalifa. Saddexda mas’uul ayaa sidoo kale soo saaray war-saxaafadeed wadajir ah.
“Heshiis kale oo taariikhi ah ayaa dhacay maanta,” ayuu Trump soo dhigay Twitter-ka.


Dhowaqan ayaa guul diblomaasiyadeed oo kale u ah Trump, oo lagu wado inuu 15-ka bishan Aqalka Cad ku qabto munaasabad lagu saxeexayo heshiiska Imaaraadka Carabta iyo Israel, kaasi oo sidoo kale la filayo inay ka qeyb-gasho Bahrain.
“Tani waxay heshiis kale oo taariikhi ah u tahay sare u qaadidda nabadda Bariga Dhexe,” ayaa lagu yidhi bayaan ay wadajir usoo saareen Trump, Netanyahu iyo Boqor Hamad.


“Furista wada-hadal iyo xidhiidh toos ah oo dhex-mara labadan bulsho ee firfircoon iyo dhaqaalahooda horumaray waxay isbeddel wanaagsan u tahay Bariga Dhexe, waxayna sare u qaadeysaa xasiloonida, nabadda iyo barwaaqada gobolka.


Bahrain ayaa noqoneysa dalkii labaad oo Khaliij ah oo xidhiidh la yeesha Israel kadib Imaaraadka, iyo dalkii afaraad oo Carab ah, kadib Masar, Jordan iyo Imaaraadka

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top