Connect with us

somalilandtoday.com

Xisbiga WADDANI Oo Shir Ka Yeeshay Qabsoomida Doorashooyinka Wakiillada Iyo Deegaanka

focus

Xisbiga WADDANI Oo Shir Ka Yeeshay Qabsoomida Doorashooyinka Wakiillada Iyo Deegaanka

Xisbiga WADDANI Oo Shir Ka Yeeshay Qabsoomida Doorashooyinka Wakiillada Iyo Deegaanka

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta shir guddoomiyay shirka Guddida fulinta iyo xoghayeyaasha xisbiga oo ka dhacay Xarunta Dhexe ee xisbiga.

Shirka oo ay goob joog ahaayeen guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga Mudane Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde, hoggaamiyaha xisbiga Mudane Xirsi Cali X. Xasan, Xoghayaha guud Md Khadar Xuseen Cabdi, Afhayeenka xisbiga Md Barkhad Jaamac Batuun, madaxda garabada Dhallinyarada iyo Haweenka waxa lagu lafo guray sidii loo dardar gelin lahaa doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Degaanka.

Sida oo kale madaxda xisbigu waxa ay iska xogwaraysteen xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha siyaasadda iyo sidii xisbigu doorkiisa kor ugu qaadi lahaa.

More in focus

To Top