Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka Ah.

focus

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka Ah.

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka Ah.

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta qasriga Madaxtooyada shir muhiima kula qaatay hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka ah ee ka hawlgala Somaliland.

Kulankan, waxa lagu lafo-guray sidii Ururrada Bulshada rayidka ahi ay qayb uga qaadan lahaayeen arrimaha dardargelinta doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, isla markaana si wada-jira loogu hirgelin lahaa hiigsiga iyo himilooyinka dalka ee la xidhiidha arrimaha doorashooyinka, doorka dhallinyarada iyo haweenka ee ka qayb-qaadashada doorashooyinka iyo dhiirri-gelinta aqoonta saxaafadda.

Dhankooda, hoggaanka Ururrada Bulshada rayidka ahi waxay muujiyeen dareenkooda ku aaddan inay diyaar u yihiin gacan-ka-geysashada iyo ka midho-dhalinta qorsheyaasha horumarineed ee dalka.

Gebagebadii shirka, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku bogaadiyey Ururradda Bulshada Rayidka ah dedaalka ay ugu jiraan horumarka dalka, Wuxuuna Madaxwaynuhu hoga-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqaynta Ururrada Bulshada, kuna adkeeyey inay sii kordhiyaan ka shaqaynta arrimaha bulshada ee dalkooda.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

More in focus

To Top