Connect with us

somalilandtoday.com

Imaaraadka Carabta Oo Qaadday xayyiraaddii Dhaqaale Ee Israa’iil

focus

Imaaraadka Carabta Oo Qaadday xayyiraaddii Dhaqaale Ee Israa’iil

Imaaraadka Carabta Oo Qaadday xayyiraaddii Dhaqaale Ee Israa’iil

(SLT-Abu Dhabi)-Warbaahinta dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in maanta uu madaxweynaha dalkaas ahna amiirka magaalada Abu Dhabi, Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan uu qaaday xayiraddii dhanka dhaqaalaha ee uu dalkaasi ku hayay Israa’iil.

Tallaabadaan ayaa waddada u xaadheysa heshiisyo dhanka ganacsiga ah oo la filayo in ay wada gaadhaan Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta, kaasi oo qeyb ka ah wanaajinta xidhiidh diblamaasiyadeed oo ay dhowaan labada dhinac sheegeen in ay gaadhi doonaan.

Israa’iil iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa 13 kii bishaan sheegay in ay yeelan doonaan xidhiidh diblamaasiyadeed, ka dib markii uu labada dhinac dhexdhexaadiyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Go’aanka ka soo baxay Imaaraadka ayaa ku soo beegmay xilli ay diyaarad  sidata calanka Israa’iil ee El Al Israel ay isu diyaarineyso duulimaadyo toos ah oo ay isaga kala duuli doonto magaalooyinka Tel Aviv iyo Abu Dhabi. 

More in focus

To Top