Connect with us

somalilandtoday.com

Soomaaliya: Maxkamad Xukun Ku Ridday Nin Kufsaday Gabadh Yar Oo 5 Jir Ah

News

Soomaaliya: Maxkamad Xukun Ku Ridday Nin Kufsaday Gabadh Yar Oo 5 Jir Ah

Soomaaliya: Maxkamad Xukun Ku Ridday Nin Kufsaday Gabadh Yar Oo 5 Jir Ah

(SLT-Baydhaba)-Maxkamad ku taalla Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay ayaa Xukun ku ridday Nin la sheegay in uu kufsi gaystay kaas oo hore maxkamadda loo soo taagay.

Maxkamadda ayaa ku heshay danbiga sida la sheegay Ninkaas, waxaana la shegay in uu kufsaday Ceeyni Cabadullahi baadiyoow oo 5 jir ah.

Ninkaan kufsiga gaystay ayaa da’diisa lagu sheegay 20 sanno, waxaana Maxkamadda Gobolka Baay ay sheegtay in dhamman caddeumihii loo baahnaa lagu helay Ninkaan, iyadoo 5 sanno oo xadhig ah lagu xukumay.

Degaanada maamul Gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa kusoo badanayay dhawanahaan kufsiga, waxaaana xusid mudan in maalmo ka horb xukun dil ah lagu fuliyay rag la sheegay in ay kufsadeen wiilal yar yar ah, waxaana degaanada maamulkas ka dhacay bannaan baxyo lagu taageerayo dilkii lagu fuliyay labadii Laba Nin oo la sheegay in ay Wiilal kufsadeen.

More in News

To Top