Connect with us

somalilandtoday.com

Dowladda Pakistan Shaacisay In Ayna Aqoonsan Doonin Israa’iil

focus

Dowladda Pakistan Shaacisay In Ayna Aqoonsan Doonin Israa’iil

Dowladda Pakistan Shaacisay In Ayna Aqoonsan Doonin Israa’iil

(SLT-Pakistan)-Dowladda dalka Pakistan ayaa ku dhawaaqday in ayna dowlad ahaan u aqoonsan doonin Israa’iil tan iyo inta laga helaayo dowlad ay leeyihiin dadka reer falastiin, taas oo shuruud looga dhigay inay ku qanacsan yihiin shacabka falastiiniyiinta.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Imran Khan ayaa hadalkan sheegay, waxaana uu si qoto dheer ugu nuux-nuuxsaday in ayna aqabli doono waxyaabaah ay wadaan maamulka Yahuudda ee ah in ay dowlad ka dhistaan dhulka reer Falastiin.

Waxaa sidoo kale Imran Khan uu sheegay in loo baahan yahay ins hacabka Falastiin ay helaan dowlad ay iyagu leeyihiin oo ay ku qanacsan yihiin.

Hadalka kasoo yeedhay Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan ayaa imaaanaya iyadoo Imaaradka iyo Isra’iil ay yeesheen xidhiidh Diboloomaasiyadeed oo labada dal ay sida wada jir ah ugu dhawaaqeen, waxaana arrintaasi ay keentay in waddamo badani ay ka hadlaan tallaabada ay ku dhaqaaqday Imaaraadka, waxaana gar wadeen iyo dillaal ka ahaaa wada hadalkaas dalka Maraykanka.

More in focus

To Top