Connect with us

somalilandtoday.com

Nin Loo Loo Haystay Dilkii Rafiiq Xariiri Oo Xukun Lagu Riday

focus

Nin Loo Loo Haystay Dilkii Rafiiq Xariiri Oo Xukun Lagu Riday

Nin Loo Loo Haystay Dilkii Rafiiq Xariiri Oo Xukun Lagu Riday

(SLT-Lubnaan)-Maxkamadda ay qaramada midoobay gacanta ku hayso ayaa xukun ku ridday nin ka tirsanaa maleeshiyada Xizbullah kaddib marki lagu helay inuu ku lug lahaa dilkii loo geystay Ra’isal wasaarihi hore ee Lubnaan Rafiiq Xariiri.

Garsoorayaasha dacwadda qaadayey oo ku sugan Netherland waxay sheegeen Saalim Ayyash inuu door muhiim ah uu ku lahaa qarixii Mr Xariiri lagu dilay 2005-kii.

Ayyash oo ah ninka ay maxkaadda xukunka dambiilanimo ku ridday iyo xubnaha kale ee dacwadda kula jira muddo lix sana ah waxay dacwaddooda socotay iyaga oo maqan.

Dilkii xilligaasi loo geystay siyaasiga muslimiinta sunniga ka soo jeeda ee caanka ahaa Mr Xariiri waxay dalka Lubnaan ka abuurtay xiisad siyaasadeed oo aad u weyn.

Hase yeeshee, Xizbullah wuxuu marar badan ku gacanseydhay inuu dilka Xariiri uu wax lug ah ku lahaa.

Sacad oo ah wiil uu dhalay Rafiiq Xariiri wuxuu sheegay qoyska in ayna nasaneyn ilaa xukunka la fuliyo

Sacad Xariiri oo ah wiil uu dhalay Rafiiq Xariiri horayna u soo noqday Ra’isal wasaaraha dalka Lubnaan, wuxuu warbaahinta u sheegay: “Waxaan u maleynayaa cidwalba waxa ay fileysay iyo waxa maanta soo baxay, balse waxaan aaminsanahay go’aanka maxkamadda ka soo baxay inuu yahay mid lagu qanco waana aqbalanay.”

More in focus

To Top