Connect with us

somalilandtoday.com

Sarkaal Ka Tirsanaa Al-Shabaab Oo Ka Baxsadey Xabsiga Muqdisho Oo Xog Laga Helay

focus

Sarkaal Ka Tirsanaa Al-Shabaab Oo Ka Baxsadey Xabsiga Muqdisho Oo Xog Laga Helay

Sarkaal Ka Tirsanaa Al-Shabaab Oo Ka Baxsadey Xabsiga Muqdisho Oo Xog Laga Helay

(SLT-Muqdisho)-Ugu yaraan 15 kamid ah maxaabiista ku xidhnaa xabsiga Xamar ee isku dayey in ay baxsadaan ayaa ku nafwaayey iska hor imaad dhexmarey iyaga iyo ciidanka ilaalada xabsiga.

Ilaa afar askeri oo ka tirsanaa ciidan asluubta ayaa iyaguna lagu diley dagaalkii ka dhacay xabsiga dhexe ee Xamar.

Sida ay VOA ogaatey waxaa ka baxsadey xabsiga Mubaarak Ibraahim Iidle oo ka tirsanaa al-Shabaab kaas oo sanadkii 2014 lagu xukumey 10 sanno oo xabsi ah. Mubaarak ayaa heley qori waxaana uu banaanka ku sii diley laba askeri oo ka tirsanaa ciidanka ilaalada, ka hor inta aanu ka baxsan xabsiga.

Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa hore loogu eedeeyey in maxaabiistu u noolyihiin si caadi ah, waxay haytsaan telefoono, waxay helaan adeega Internetka waxaana qaarkood Live ka soo dhex galaan isla xabsiga.

More in focus

To Top