Connect with us

somalilandtoday.com

Xildhibaan Shaaciyay Inuu U Tartami Doono Golaha Deegaanka Degmada Berbera

focus

Xildhibaan Shaaciyay Inuu U Tartami Doono Golaha Deegaanka Degmada Berbera

Xildhibaan Shaaciyay Inuu U Tartami Doono Golaha Deegaanka Degmada Berbera

(SLT-Berbera)-Xildhibaan Cabdiwahaab Cali Xaaji Xasan “ Garanti” oo kamid ah Xildhibaanada golaha Degaanka degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, ayaa hadda shaaca ka qaaday inuu doorashada golaha deegaanka ee inagu soo fool leh uu ka sharaxan yahay degmada Berbera ee caasimada gobolka Saaxil.

Xildhibaan Cabdiwahaab Cali Xaaji Xasan “ Garanti”, ayaa doorashadii sannadkii 2012-kii dalka ka dhacday ee golayaasha deegaanka ahaa Xildhibaan cod aqlabiyada ah kaga soo baxay degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, balse hadda wuxuu si rasmi ah u shaaciyey inuu u tartami doono kuraasta golaha deegaanka ee degmada Berbera,waxaanu ugu mahadceliyey Tageerayaashiisa sida ay u garab taagan yihiin marwalba

More in focus

To Top