Connect with us

somalilandtoday.com

Dalxiisayaal U Dhashay Faransiiska Oo Lagu Diley Dalka Niger

focus

Dalxiisayaal U Dhashay Faransiiska Oo Lagu Diley Dalka Niger

Dalxiisayaal U Dhashay Faransiiska Oo Lagu Diley Dalka Niger

(SLT-Niger)-Lix qof oo dalxiisayaal ah una dhashay dalka Faransiiska iyo laba qof oo gadh-wadeen u ahaa ayaa lagu diley beer loo dalxiis tago oo ku taalla gobolka Tillaberi ee dalka Niger.

Guddoomiyaha gobolka Tillaberi Tidjani Ibrahim ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in rag hubeysan oo saaran mootooyin ay qafaasheen kooxdan dalxiisayaasha ahaa kadibna toogasho ku diley.

Xafiiska Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa xaqiijiyay in dadkan u dhashay dalka Faransiiska lagu diley dalka Niger.

Dowlada Faransiiska ayaa ugu digtey muwaadiniinteeda inay u safraan dalka Niger halkaa oo deegaano badan oo ka mid ah dalkaas ay joogaan ururo daacad u ah ururada Boko Haram iyo IS.

Halka lagu diley dalxiisayaashan u dhashay dalka Faransiiska iyo laba qof oo u dhashay dalka Nigeria ayaa ah meel lagu xanaaneeyo xayawaanka Geriga waxayna u jirtaa magaalada Niamey ee caasimada dalka Niger illaa 65km.

Dalka Niger ayaa waxa uu xad la leeyahay dalal ay ka mid yihiin Libya, Mali, Chad, Algeria iyo Nigeria.

More in focus

To Top