Connect with us

somalilandtoday.com

Fayrus Cusub Oo U Faafa Sida Coronavirus Oo Laga Helay Dalka Shiinaha

focus

Fayrus Cusub Oo U Faafa Sida Coronavirus Oo Laga Helay Dalka Shiinaha

Fayrus Cusub Oo U Faafa Sida Coronavirus Oo Laga Helay Dalka Shiinaha

(SLT-Jiangsu)-Sida laga soo xigtay wargayska ay dawladdu taageerto ee Global Times, 37 qof oo ku nool Gobolka Jiangsu ayaa laga helay cudurka Strombocytopenia Syndrome’ (SFTS) SFTS waa cudur ay sababaan bunyafayruus.

Kanaalka wararka CNA ayaa sheegay in 23 qof uu ku dhacay cudurka gobolka Anhui. Shan ka mid ah bukaannadan ayaa dhintay, halka laba kale oo dheeraad ah oo laga helay fayraska laga diiwaan geliyey Gobolka Zhejiang.

CNA ayaa sheegtay in haweeney da’deedu tahay 60-jir oo ku sugan Gobolka Jiangsu laga helay fayraska kadib markii ay la kulantay xumad, qufac iyo daal.

Feyruskan cusub ee loo yaqaan ‘Biyavirus’ ayaa markii ugu horreysay oo la helay waxay ahayd 2009, iyadoo laga diiwaan galiyay gobollada Henan iyo Anhui.

Heerarka dhimashada ayaa u dhexeeya 1 iyo 5 boqolkiiba, iyadoo dadka da’da ah ay u badan tahay inay dhintaan. “Astaamaha hore waa daal iyo xumad, mararka qaar.

More in focus

To Top