Connect with us

somalilandtoday.com

Itoobiya: Nin Qirtay Inuu Ka Dambeeyay Dilka Fanaankii Caanka Ahaa Ee Hachalu Hundessa

focus

Itoobiya: Nin Qirtay Inuu Ka Dambeeyay Dilka Fanaankii Caanka Ahaa Ee Hachalu Hundessa

Itoobiya: Nin Qirtay Inuu Ka Dambeeyay Dilka Fanaankii Caanka Ahaa Ee Hachalu Hundessa

(SLT-Addis Ababa)-Tilahun Yami, oo ah tuhmanaha koowaad ee dilkii fanaankii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa ayaa qirtay inuu yahay dambiile, tan iyo markii la qabtay horaantii bishii hore isaga iyo afar kale oo tuhmanayaal ah.

Tilahun Yam ayaa maxkamada ka hor sheegay in dadkii u adeegsaday dilka Hachalu ay ugu hanjabeen inay dilayaan xubnaha qoyskayga haddii uu bixiyo macluumaad ku saabsan dilka fanaanka iyo cidda usoo dhiibtay amarka.

Tilahun, ayaa lagu eedeeyay in uu toogtay Hachalu illaa 30 Juun, 2020, meel u dhow goobta loo yaqaan ‘Gelan Condominium’ ee Addis Ababa.

Dhimashada fanaanka ayaa sababtay weerarro qowmiyadeed iyo mid diimeed oo sababay dhimashada ugu yaraan 200 qof boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Tilahun wuxuu maxkamadda ka codsaday in ay siiso dhammaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah badbaadada xubnaha qoyskiisa.

Intii lagu gudajiray dhageysiga maxkamada hore, eedeysanuhu wuxuu maxkamada ka codsaday inay u ogolaato inuu is dilo.

More in focus

To Top