Connect with us

somalilandtoday.com

Wafti Ka Socda Dawladda Shiinaha Oo Ku Soo Waajahan Somaliland

focus

Wafti Ka Socda Dawladda Shiinaha Oo Ku Soo Waajahan Somaliland

Wafti Ka Socda Dawladda Shiinaha Oo Ku Soo Waajahan Somaliland

(SLT-Hargeysa)-Xog aanu helayno ayaa sheegaysa in magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ay kusoo waajahan yihiin wafti ka socda dowladda Shiinaha.

Waftigan ayaa ku biiri doona xubno kale oo uu hogaaminayo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian oo isagu ku sugan magaalada Hargeysa.

Danjire Qin Jian ayaa magaalada Hargeysa ku sugan dhowr maalmood, isaga oo aan weli la kulmin madaxweynaha Somaliland.

Jian ayaa Somaliland u yimid sidii uu madaxda ugu sarreysa ula kulmi lahaa, isla markaana u gaadhsiin lahaa diidmadooda ka dhanka ah xidhiidhka cusub ee ay la sameysatay Taiwan.

Xiriirka Somaliland iyo Taiwan ayaa ka cadheysiiyay dowladad Shiinaha oo iyadu sheegata inay Taiwan tahay jaziirad ka tirsan dhul-weynaheeda.

More in focus

To Top