Connect with us

somalilandtoday.com

Duulimaadyada Caalamiga Ah Ee Somaaliya Oo Maanta Dib U Furmaya

focus

Duulimaadyada Caalamiga Ah Ee Somaaliya Oo Maanta Dib U Furmaya

Duulimaadyada Caalamiga Ah Ee Somaaliya Oo Maanta Dib U Furmaya

(SLT-Muqdisho)-Duulimaadyada caalamiga ah ee hawada Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay dib u furmaya muddo afar billood iyo badh ah kadib.

Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadkii tagay ku dhawaaqday in duulimaadyada caalamiga ah ee gudaha iyo dibedda Soomaaliya ay dib u bilaabmi doonaan 3-da August oo ku beegan maanta.

Duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa la joojiyay bishii Abriil sababo la xidhiidha faafitaanka cudurka COVID-19.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii dowladdu ay dib u furtay duullimaadyadii gudaha bishii hore. Iskuulada iyo jaamacadaha ayaa dib loo furidoono 15ka August.

More in focus

To Top