Connect with us

somalilandtoday.com

Hindiya Oo Diyaarado Dagaal Soo Iibsatay, Xilli Laga Cabsi Qabo In Dagaal Ka Dhex Qarxo Dalalka China Iyo Pakistan.

News

(SLT-Delhi)-Dowlada Hindiya ayaa dalka Faransiiska kasoo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto xiisadda ka dhaxeysa dalalka China iyo Pakistan.

Shantii diyaaradood ee ugu horreeyey ee nooca loo yaqaan Rafale ayaa Arbacadii shalay gaadhay dalka Hindiya oo xiligan dadaal ugu jira inuu casriyeeyo hubka millatarigooda.

Wasiirka Difaaca Hindiya Rajnath Singh ayaa bartiisa twitter ku shaaciyey imaanshaha diyaaradahan cusub isagoo intaasi raaciyey in cidda ka cabsi qabto awoodooda ay tahay kuwa iyaga cadowga ku ah!

Bilihii lasoo dhaafay ayey sare usii kacday xiisadii u dhaxeysay millatariga Hindiya iyo China, labadaasi dal oo isku heysta dhul, waxaana hore u jiray iskahorimaadyo marar badan dhexmaray millatariga Hindiya iyo Pakistaan oo iyaguna isku heysta gobalka Kashmir.

More in News

To Top