Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiirka Maaliyadda Oo La Amray In Wax Kharash Ah Aan Lagala Bixi Karin Qasnada Dawladda Soomaaliya

focus

Wasiirka Maaliyadda Oo La Amray In Wax Kharash Ah Aan Lagala Bixi Karin Qasnada Dawladda Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Oo La Amray In Wax Kharash Ah Aan Lagala Bixi Karin Qasnada Dawladda Soomaaliya

(SLT-Muqdisho)-Tan iyo markii baarlamaanka codka kalsoonida kala noqday ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa amar adag uu kasoo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo oo amrayay in qasnada dowladda, gaar ahaan wasaaradda maaliyada lagala bixi karin wax lacag ah, amarkaasi oo uu fuliyay wasiirka maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Waxaa amarkaasi sidoo kale sii adkeeyay maanta sii-hayaha xilka ra’iisul wasaare Mahdi Maxamed Guuleed oo kormeer ku tegay xarunta wasaaradda maaliyada, kuna adkeeyay wasiir Beyle in wax kharash ah aan lagala bixi karin qasnada wasaaradda maaliyada ilaa amar danbe.

Mahdi Guuleed ayaa kulan wada jir ah la qaatay wasiirka maaliyadda, kuxigeenadiisa, agaasimayaasha iyo howlwadeenada wasaaradda maaliyada, isagoona ku wargeliyay amarka kasoo baxay madaxweynaha ee xayiraada qasnada dowladda.

More in focus

To Top