Connect with us

somalilandtoday.com

Midowga Yurub Oo Qayrul Dastuuri Ku Tilmaamay Xil Ka Qaadistii Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre

focus

Midowga Yurub Oo Qayrul Dastuuri Ku Tilmaamay Xil Ka Qaadistii Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre

Midowga Yurub Oo Qayrul Dastuuri Ku Tilmaamay Xil Ka Qaadistii Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre

(SLT-Muqdisho)-Madaxa arrimaha dibedda iyo ammaanka ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa sheegay in hannaankii uu Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya u maray kalsooni kala laabashada xukuumadda ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu ahaa “mid aan buuxin shuruudaha dastuuriga ah”.

Waxa uu intaa ku daray in Soomaaliya ay wax badan u dhiman yihiin marka laga hadlayo doorasho ay shacabka u codeeyaan madaxdooda, inta xilligaasi laga gaaranaya ay hogaamiyayaasha siyaasadda dalka mas’uuliyad ka saaran tahay siyaasad qaran oo is ogol ku dhisan.

“Midowga Yurub waxa uu si taxadar leh u dersi doonaa wixii Sabtadii dhacay, cidda mas’uulka ka ah iyo inta ay xaaladdaasi Soomaaliya ka weecin karto horumarka ay sameynayso,” ayuu yidhi Borrell oo war saxaafadeed ka soo saaray arimaha Soomaaliya.

More in focus

To Top