Connect with us

somalilandtoday.com

“Wixii Ka Dhacay Golaha Shacabka Soomaaliya Waxa Ay Salka Ku Hayeen Muddo Korodhsi…” Xasan Cali Kheyre

focus

(SLT-Muqdisho)-Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii Xildhibaanada Golaha Shacabku ay xilka ka qaadeen, ayaa sheegey isaga oo ilaalinaya danaha dalka iyo duruufta jirta in uu u hoggaansamey go’aankii aan sida sharciga waafaqsaneyn uga soo baxay golaha shacabka.

Raysal wasaare Kheyre oo oggolaadey go’aankii baarlamaanka ayaa yidhi:

“Anigoo og wixii maanta ka dhacay Golaha Shacabka sharci darro ahaa, oo aan loo marin habraacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed, anigoo og in aanay ku jirin ajandaha, anigoo og in aan laga doodin, Aniga ooog in aan la codeyn hadana wxaa go’aansaday inaan umadda Soomaaliyeed u noqdo tusaale oo aan iska casilo xilkii Umadda Soomaaliyeed u haayay”

More in focus

To Top