Connect with us

somalilandtoday.com

Shiinaha Oo Mar Kale Dowladda Ingiriiska Uga Digay Tallaabo Ay Qaaday

focus

Shiinaha Oo Mar Kale Dowladda Ingiriiska Uga Digay Tallaabo Ay Qaaday

Shiinaha Oo Mar Kale Dowladda Ingiriiska Uga Digay Tallaabo Ay Qaaday

(SLT-Beijing)-Shiinaha ayaa ka digay UK iney ka qoomameyn doonto cawaaqib xummada ka dhalata haddii ay sii waddo waddada khaldan ay ku socota oo ay ku faragelineyso arrrimaha Hong Kong.

UK waxay Isniinti ku dhawaaqday iney hakisay heshiiski Shiinaha lala galay ee ku saabsanaa Hongkong iyada oo jawaab uga digeyso sharciga uu Shiinaha doonayo inuu Hongkong uu ka hirgeliyo.

Danjiraha Shiinaha u fadhiya UK oo ka jawaabayo hadalka ka soo yeedhay UK wuxuu sheegay iney UK “si ulakac ah u soo farageliso” arrimaha gudaha dalka Shiinaha.

Liu Xiaoming wuxuu sheegay “Shiinaha weligii ma faragelinin arrimaha gudaha UK. UK waa iney sidaasi oo kale ka sameysaa arrimaha Shiinaha.”

Horraantii bishan Ra’isal wasaaraha UK Boris Johnson wuxuu ku baaqay iney 3 malyan oo qof oo ka mid ah shacabka Hong Kong uu siinayo dhalashada UK si ay dalkaasi u degaan, isaga oo sheegay in dadkaasi loo oggolaanayo iney soo codsadaan dhalashada dalka UK.

More in focus

To Top