Connect with us

somalilandtoday.com

“Somaliland Ayaa Isku Direysa Beelaha Ku Dagaalamaya Gobolka Sool Ujeedkoodu Waa…” Maamulka Puntland Oo Eedeymo U Jeedisay Somaliland

focus

(SLT-Garoowe)-Maamul gobolleedka Puntland ayaa eedeyntii ugu cusleyd u jeedisay xukuumadda Somaliland, taas oo salka ku heysa dagaallo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sool.

Wasiirka caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in Somaliland ay ka dambeysay hurinta dagaal beeleed ka dhacay deegaanka lagu Magacaabo Horufadhi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada Somaliland ay diideen in lagala dhex-galo maleeshiyaadka diriraya ee ku sugan Sool.

“Somaliland ayaa isku direysa Beelaha ku dagaalamaya Gobolka Sool, ujeedkoodu waa in ay ka qabsadaan dhinicii awood badiya ama Magaalada gacanta ku dhigo, Ciidamo ka socda Somaliland oo goobta ku sugan ayaa diiday in la kala dhexgalo.” ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka Puntland.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Somaliland ay dhibaato ka wada guud ahaan gobolka, islamarkaana ay geysay ciidan badan.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka dawladda Somaliland oo ku aadan eedeynta loo jeediyey.

More in focus

To Top