Connect with us

somalilandtoday.com

Jilaa Can Ah Oo Maxkamadi Ku Xukuntay Hal Sanno Oo Xabsi Ah

focus

Jilaa Can Ah Oo Maxkamadi Ku Xukuntay Hal Sanno Oo Xabsi Ah

Jilaa Can Ah Oo Maxkamadi Ku Xukuntay Hal Sanno Oo Xabsi Ah

(SLT-Qaahira)-Maxkamad ku taalla magaalada Qaahira ayaa hal sano oo xabsi ah ku xakuntay jilaaga caanka ah ee Mohamed Ramadan, kadib markii lagusoo eedeeyay dembi ah gef Aflagaaddo ah.

Waxa lagu eedeeyay ugu horreyn in diyaarad gaar ah uu saarnaa uu duuliyahii ka codsaday inuu galo halka diyaaradda laga hago. Kadibna uu iska duubo muuqaal, kuna baahiyay baraha arrimaha bulshada.

Arrintaasi ayaa dhalisay in duuliyahii diyaaradda lagala noqdo cashuurtii duuliyannimada.

Intaas kadib duuliyahii ayaa waxa uu ku andacooday inuu Ramadan ka Aflagaadeeyay telefashinka, isagoo sheegay in duuliyaha uu lacag weydiistay isaga oo ka dalbaday inuu shaqadii laga ceydhiyay uu mag dhow ka siiyo.

Hase-ahaatee maxkamadda ayaa waxay sheegtay in Mohamed Ramadan loo xidhay dembi ah Aflagaadeyn, balse aysan aheyn inuu galay halka diyaaradda laga hago.

More in focus

To Top