Connect with us

somalilandtoday.com

Kooxda Wayn Ee Real Madrid Oo Ku Guulaysatay Horyaalka Dalka Spain.

focus

Kooxda Wayn Ee Real Madrid Oo Ku Guulaysatay Horyaalka Dalka Spain.

Kooxda Wayn Ee Real Madrid Oo Ku Guulaysatay Horyaalka Dalka Spain.

(SLT-Madrid) Zinedine Zidane ayaa sheegay in ku guuleysiga horyaalkii ugu horreeyay ‘La Liga’ ee uu la qaaday Real Madrid muddo seddex sano ah, uu uga farxad badan yahay ku guulaysiga Horyaalka Yurub ee Champions League.

Real ayaa ku guuleysatay horyaakani iyada oo ciyaar u harsan tahay kaddib markii ay Villarreal kaga soo badisay garoonkeeda Alfredo Di Stefano.

Karim Benzema ayaa laba gool oo midi rikoodhe yahay ku hoggaamiyey kooxdiisa, halka Villarreal ay hal gool keliya dhalisay.

Kooxdan uu hoggaamiyo macallin Zidane ayaa ku guuleysatay dhammaan 10kii kulan ee ay ciyaareen tan iyo markii kubada cagta Spain dib loo bilaabay bishii June.

Waxayna ku aaddan yihiin ciyaartii u danbeysay ee horyaalka xilli iyaga oo toddoba dhibcood oo nadiifa ka horreeya kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona, oo iyadu kaalinta labaad ku jirta.

“Tani wax walba way ka wanaagsan tahay. Waxay nagu qaadatay dedaal badan inaan ku guulaysanno La Liga” ayuu yidhi macallinka Real Madrid.

“Kaddib 38 ciyaarood, waxaannu haysannaa dhibco ka badan qof kasta.

Kaddib bandawgii iyo wax kasta oo dhacay. Tani waa arrin farxad leh” ayuu ku sii daray hadalkiisa

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top