Connect with us

somalilandtoday.com

Garoowe: Axmed Madoobaha Kismaanyo Iyo Wasiiro Xukuumadda Farmaajo Ka Tirsan Oo Markii Ugu Horraysay Kulmay.

focus

Garoowe: Axmed Madoobaha Kismaanyo Iyo Wasiiro Xukuumadda Farmaajo Ka Tirsan Oo Markii Ugu Horraysay Kulmay.

Garoowe: Axmed Madoobaha Kismaanyo Iyo Wasiiro Xukuumadda Farmaajo Ka Tirsan Oo Markii Ugu Horraysay Kulmay.

(SLT-Garoowe)Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Garoowe ee Puntland ayaa xalay kulamo kala duwan kula qaatay Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Dalaamai Soomaaliya.

Kulanka ayaa ka dhacay hoolka martida ee la dejiyay madaxweynaha maamulka Jubbaland,iyada oo xildhibaanada Wasiirada iyo Isimada la kulmayna ay ka wadahadleen arrimo dhawr ah oo khuseeya xaaladda dalka.

Kulanka in kasta oo aan laga bixin faahfaahin dheeraad ah haddana waxa uu ku soo aadayaa xilli dalku uu ku jiro marxalad kala guur ah madaxda dowladda iyo kuwa maamul gobaleedyadana ay ku madalsanyihiin shirk a furmaya Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa magaalada Garoowe u tegay ka qeyb galka aas qaran oo loo sameeyay allaha u naxariistee ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax.

Dhinaca kalana dhammaan madaxda dowlaad gobaleedyada iyo ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa dib ugu laaban doona magaalada Dhuusamareeb ee shir uu uga furmayo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda iyo madaxda Dawladda Dalkaasi Soomaaliya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top