Connect with us

somalilandtoday.com

Ganacsade Saaxiib La Ahaa Madaxweynihii Hore Ee Algeria Oo Xabsi Dheer Lagu Xukumayay

focus

Ganacsade Saaxiib La Ahaa Madaxweynihii Hore Ee Algeria Oo Xabsi Dheer Lagu Xukumayay

Ganacsade Saaxiib La Ahaa Madaxweynihii Hore Ee Algeria Oo Xabsi Dheer Lagu Xukumayay

(SLT-Algeria)-Madaxa shirkad Gawaadhida sameysa oo ku taalla dalka Algeria Mahieddine Tahkout, kana mid ahaa shakhsiyaadka ugu dhaqaalaha badan waddankaasi ayaa lagu xakumay 16 sano oo xadhig ah , kadib markii lagusoo eedeeyay musuq-maasuq. Wuxuu saaxiib dhow la ahaa madaxweynihii dalkaasi ee xukunka laga tuuray Abdelaziz Bouteflika.

Mahdieddine Tahkout waxaa lagusoo eedeeyay in isagoo adeegsanaya awoodda dowladda uu shirkaddiisa ku sameeyay maal-gelin lixaad leh , lacagta loo adeegsadayna laga saaray qasnadda dowladda.

Eedeyntaasi ayaa waxay noqotay mid culus, oo qaanuunka dalkaasi uu dhigayo in dembiyada noocaan ah ay yihiin xad-gudub weyn oo qofkii galo uu waajihi karo ciqaab adag.

Madaxweynahii hore ee waddankaasi ayaa xilka ka degay kadib markii uu waajahay dibad-baxyo culus oo ay dhigeen shacabka waddankaas , iyagoo diidanaa inuu dalkaasi kasii arrimiyo.

More in focus

To Top