Connect with us

somalilandtoday.com

IRAN Oo Xukun Dil Ah Ku Fulisay Sarkaal Lagu Helay Inuu U Basaasayay CIA Maraykanka

focus

IRAN Oo Xukun Dil Ah Ku Fulisay Sarkaal Lagu Helay Inuu U Basaasayay CIA Maraykanka

IRAN Oo Xukun Dil Ah Ku Fulisay Sarkaal Lagu Helay Inuu U Basaasayay CIA Maraykanka

(SLT-Tehran)-Dowladda Iiran ayaa xukun dil ah ku fulisay Sarkaal lagu helay inuu u basaasayay hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA, sida ay sheegtay wakaalada wararka ISNA

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Reza Asgari ayaa ahaa qandaraasle u shaqaynayay Hay’ada hawada ee wasaaradda Difaacada ee wadanka Iiran, waxaana lagu helay inuu ka iibiyay hay’ada CIA ee Maraykanka macluumaad la xidhiidha Barnaamijka gantaalaha Iiran

Wakaalada ISNA waxay sheegtay in Maxkamad Millateri ay ku heshay inuu basaas u ahaa Maraykanka, islamarkaana lagu toogtay Xabsiga Rajayi Shahr oo ku yaalla magaalada Karaj oo ku taalla galbeedka caasimadda Tehran.

ISNA ma sheegin goorta la xidhay iyo waqtiga dilka lagu fuliyay Reza Asgari, hase yeeshee, Wasaaradda Gashaandhiga Iiran ayaa baabiisay qandaraaskii uu sarkaalkan kula shaqaynayay 9 sanno ka hor.

Sannadkii hore, dowladda Iiran waxay sheegtay inay qabteen 17 Sarkaal oo lagu eedeeyay inay u jaajuusayeen hay’adda sirdoonka Maraykanka iyo Iiraan.

More in focus

To Top