Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Maraykanka Oo Markii U Horraysay Xidhay Maaska Layskaga Difaaco Xanuunka Covid-19.

focus

Madaxweynaha Maraykanka Oo Markii U Horraysay Xidhay Maaska Layskaga Difaaco Xanuunka Covid-19.

Madaxweynaha Maraykanka Oo Markii U Horraysay Xidhay Maaska Layskaga Difaaco Xanuunka Covid-19.

(SLT-Washington)Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa markii ugu horraysay meel fagaare ah waxa uu ku xirtay mask tan iyo markii uu bilowday xanuunka safmarka ah ee fayraska korona.

Madaxweynaha ayaa waxa uu booqanayay isbitaalka milateriga ee Walter Reed ee ku yaal daafaha magaalada Washington, halkaas oo uu kula kulmay askar dhaawac ah iyo howlwadeennada caafimaadka.

“Markii horaba kama soo horjeedin mask-yada balse waxaan rumaysanahay in ay leeyihiin waqti iyo goob lagu xirto,” ayuu yiri mar uu ka sii baxayay Aqalka Cad.

Hore ayaa waxa uu u sheegay inuusan xiran doonin mask, iyadoo xirashada mask-ga uu uu ku dacaayadeeday ninka ay aadka isku hayaan Joe Biden ee ah musharaxa madaxtinimada ee Xisbiga Dimuqraadiga.

Hasayeeshee Sabtidii ayuu sheegay: “Waxay ila tahay markii aad isbitaal ku sugantahay, gaar ahaan goobtaas oo aad kula hadlaysid askar badan iyo dad, mararka qaarna waxaad la kulmaysaa dad ka soo baxay qolka qalliinka, marka waxa ay ila tahay waa wax wayn in mask-ga la xidhato.”

Isbadelka hadalka Trump ayaa imanaya xilli Sabtidii uu Mareykanka diiwaangeliyay 66,528 xaaladadood oo Fayraska Koron ah, taas oo ah middii ugu badneyd ee maalin qura la diiwaangeliyay.

Muxuu Trump ka yidhi mask-ga wajiga lagu xidhato.?

Isagoo todobaadkii hore la hadlayay Fox Business Network, ayuu Mr Trump waxa uu yidhi: “Mask-yada kama soo horjeedo.”

Hasayeeshee markii Hay’adda koontoroosha Cudurrada ee Mareykanka ay bishii Abriil bilowday inay dadka ku dhiirigeliso inay mask-yada xirtaan ama dhar ay habdhiska neefsiga ku dabooshaan markii ay joogaan meelaha fagaaraha ah si loo xakameeyo fayraska korona, ayuu Mr Trump waxa uu weriyayaasha u sheegay inuusan taladaas raaci doonin.

“Ma filaayo inaan sidaas sameyn doono,” ayuu markaasi yiri. “Inaan mask-ga wajiga xirto anigoo salaamayo madaxweynayaasha, ra’iisul wasaareyaasha, kaligoodtaliyayaasha, boqorrada – taas suuragal ilama ahan

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top