Connect with us

somalilandtoday.com

Minneapolis: 7 Qof Oo Soomaali Ah Oo Hal Kursi Ku Tartamaya

focus

Minneapolis: 7 Qof Oo Soomaali Ah Oo Hal Kursi Ku Tartamaya

Minneapolis: 7 Qof Oo Soomaali Ah Oo Hal Kursi Ku Tartamaya

(SLT-Minneapolis)- 11 musharrax oo 7 ka mid ah ay Soomaali yihiin ayaa isku diyaarinya doorasho gaar ah oo ay ugu tartamayaan kursi golaha deeggaanka Minneapolis ka tirsan oo hore uu isaga casilay Cabdi Warsame oo imika hoggaamin doona hay’adda guryaha dadweynaha ee Minneapolis.

Dadka degan Minneapolis qaarkood ayaa werwer ka muujiyay in musharrixiintan badan ee Soomaalidu ay keeni karto in kursigaasi laga dhex bixiyo oo uu gacanta Soomaalida ka baxo.

Sababta loogu maleynayo in kursiga Soomaalida ay weyn karto ayaa ah ayada oo ay suurta-gal tahay in codadka dadka Soomaalida ee magaalada degan ay u kala qeybsamaan toddobada musharax, halkaasna qof kale oo aan Soomaali ahayn uu kursiga ka qaato.

More in focus

To Top