Connect with us

somalilandtoday.com

Caasimadda Waddanka Itoobiya Oo Wali Hoosta Ka Guuxaysa Iyo Wararkii U Danbeeyay

focus

Caasimadda Waddanka Itoobiya Oo Wali Hoosta Ka Guuxaysa Iyo Wararkii U Danbeeyay

Caasimadda Waddanka Itoobiya Oo Wali Hoosta Ka Guuxaysa Iyo Wararkii U Danbeeyay

(SLT-Addis-ababa) Tirada dhimashada ee banaanbaxyada iyo rabshadaha qowmiyadeed ee ka qarxay dalka Ethiopia usbuucii la soo dhaafay kadib dil loo geestay fannaan caan ah oo ka soo jeeda qowmiyadda oromada ayaa kor u dhaaftay 239, sida laga soo xigtay booliska dalkaasi.

Hachalu Hundessa, oo ah halyeeyga caan ka ah ee Oromo badan u arkayeen in uu yahay cod karkooda, ayaa waxaa toogtay rag aan la garaneyn maalintii Isniinta ee usbuucii hore, taasoo sii hurineysa xiisadaha qowmiyadeed iyada oo wadanku qarka u saaran kala guurka doorashooyinka dimuqraadiyadeed.

Mudaaharaadyo ayaa ka qarxay caasimada Addis Ababa, iyo waliba gobolka ku xeeran ee Oromada oo ah qowmiyadaha ugu waaweyn dalka, kuwaas oo muddo dheer dareemay dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan in ay ka dambeeyaan qarannimada kala duwan ee dalkaasi.

Saraakiisha ayaa u sababeynaya dhimashada ismaandhaaf xoog leh oo soo kala dhexgalay saraakiisha amniga iyo kooxa rabshadaha ka wada.

“Sababo la xiriira rabshado ka dhacay gobolka, sagaal sarkaal oo bilays ah, shan ka tirsan maliishiyaadka iyo 215 rayid ah ayaa naftooda ku waayey,” ku simaha taliyaha bilayska Oromada Mustafa Kedir ayaa telefishanka ka sheegay Arbacadii.

Booliska magaalada Adis Ababa ayaa horay u sheegay in 10 qof ay ku dhinteen caasimada.

Tirada dhimashada ayaa ah koror ka dhashay 166 qof oo dhintey sabtidii.

“burburin ballaadhan iyo bililiqeysiga” ee dowladda iyo hantida gaarka loo leeyahay” ayuu yidhi Mustafa.

“Si loo xakameeyo rabshadahaan in ka badan 3,500 oo tuhmanayaal ayaa la qabtay. Waxay ahaayeen xubno ka soo horjeedda nabadda kuwaasoo fuliyay weerarro iyagoo adeegsanaya geerida fanaaniinta taas oo daliil u ah in lagu burburiyo nidaamka dastuuriga ah xoog,” ayuu yiri.

“Dadka Oromada waa in ay ixtiraamaan qowmiyadaha kale ee ku dhex nool.”

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in dilkii Hachalu iyo qalalaasihii xigay ay qayb ka ahaayeen shirqool xasillooni darro looga abuurayo Ethiopia

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top