Connect with us

somalilandtoday.com

Itoobiya Oo Xidhay Xubno Sare Oo Ka Tirsan Ururka Oromada Ee OLF

focus

Itoobiya Oo Xidhay Xubno Sare Oo Ka Tirsan Ururka Oromada Ee OLF

(SLT-Addis ababa)-Ciidammada amniga ee Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabay shan sarkaal oo sar-sare oo ka tirsan jabhadda Oromada ee OLF oo haatan ah xisbi mucaarad ah, sida laga soo xigtay OLF.

Ururka Oromo Liberation Front (OLF) wuxuu sheegay in siyaasiyiinta ay haatan ku xidhan yihiin magaalada Addis Ababa.

Guddoomiyaha OLF wuxuu sheegay in aanan war laga heyn halka loo kaxeystay saraakiisha.

Itoobiya waxaa dhawaan ka dhacay dibadbaxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday dilkii fanaanka caanka ahaa ee Hachalu Hundessa.

Waxaana rabshadahaas ku dhintay in ka badan 160 qof.

More in focus

To Top