Connect with us

somalilandtoday.com

Suudaan Oo Xilka Ka Qaaday Madaxii Booliska Iyo Ku-Xigeenkiisa

focus

Suudaan Oo Xilka Ka Qaaday Madaxii Booliska Iyo Ku-Xigeenkiisa

Suudaan Oo Xilka Ka Qaaday Madaxii Booliska Iyo Ku-Xigeenkiisa

(SLT-Khartoum)-Dowladda kumeel gaadhka ah ee Suudaan ayaa xilka ka qaaday madaxii ciidammada booliska iyo ku-xigeenkiisa kaddib dibadbaxyo maalmihii lasoo dhaafay hadheeeyay guud ahaan dalkaas.

Dadka dibadbaxyada dhigayay ayaa codsanayay in dowladda ay sameyso isbaddallo siyaasadeed.

Ra’iisul wasaare Cabdalla Xamduuk ayaa xilka ka qaaday Caaddel Maxamed Bashaar oo ahaa madaxii ciidammada booliska Suudaan, waxaa uu ku baddalay Cizzu Diin Sheekh Cali.

Dhanka kale, bayaan ka soo baxay golaha wasiirada ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday taliye ku-xigeenkii guud ee booliska Cusmaan Maxamed Yuunis.

Dowladda ma sheegin sababta xilka looga qaaday saraakiishan.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Ra’iisul wasaare Cabdalla Xamduuk uu sheegay in dowladdiisa ay isbaddallo ku dhaqaaqeyso.

More in focus

To Top