Connect with us

somalilandtoday.com

Somaliland Oo Diiwaangelinaysa Simcards-ka Telefoonnada Gacanta.

focus

Somaliland Oo Diiwaangelinaysa Simcards-ka Telefoonnada Gacanta.

Somaliland Oo Diiwaangelinaysa Simcards-ka Telefoonnada Gacanta.

(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku qabatay kulan ay kusoo bandhigtay Xeer nidaamiyeyaasha ruqsadaha addeegga isgaadhsiinta kuwaas oo ay soo diyaarisay wasaaradda isgaadhsiintu.

Maxamed Cumar Maxamed agaasimaha waaxda Isgaadhsiinta iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland Cali Cabdillaahi Daahir ayaa sheegay Xeerarka ay daahfureen inay yihiin kuwa Caalami ah kuwaas oo loo baahan yahay inay hesho wasaaradda Isgaadhsiinta kuwaas oo muhiim ah.

Xubno katirsan shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland ayaa soo dhaweeyay  Xeer nidaamiyeyaasha addeegyada isgaadhsiinta ee ay soo saartay wasaaradda Isgaadhsiintu.

Wasiirka  Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland Cabdiweli Sh. Cabdillahi ayaa sheegay in Xeer nidaamiyeyaasha ay soo bandhigeen lagu hagi doono suuaqa isgaadhsiinta dalka kuwaas oo shirkadaha isgaadhsiintu ay fulin doonaan dhawaan.

More in focus

To Top