Connect with us

somalilandtoday.com

Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Meel Ku Dhow Dekedda Muqdisho

focus

Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Meel Ku Dhow Dekedda Muqdisho

Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Meel Ku Dhow Dekedda Muqdisho

(SLT-Muqdisho)-Qarax xooggan ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Qaraxan oo loo adeegsaday Gaadhi waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyey ayaa waxa lagu qarxiyey xarunta cashuuraha Magaalada Muqdisho oo ku taalla degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho.

Goobta Qaraxu ka dhacay Dekedda Magaalada Muqdisho ayaa dhinaca ku haysa Saldhigga Booliska ee Degmada Xamar Jajajab.

Weerarkan oo dhacay Abaaro 8:30 subaximo ayaa la sheegay inuu khasaare badan geystay.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay Qarax xoogan oo saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Dhamme Sadiiq Aadan Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in qaraxaas uu ahaa mid loo adeegsaday Gaadhiga nooca raaxada ah oo laga buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lala damacsanaa in lagu weerarao Xarunta Ilaalinta canshuuraha oo ku taalla kasoo horjeeda Dekadda weyn ee Muqdisho.

Afhayeenka ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo Bar Koontaroo ku lahaa agaagarka Xarunta Dekadda ay hortegeen, kadib markii ay rasaas ku fureen gaadhiga oo xoog ku socday, uuna ku qarxay Derbiga Xarunta.

More in focus

To Top