Connect with us

somalilandtoday.com

Somaliland Oo Xukun DIL Ah Ku Riday Nin Kufsi Iyo Dil U Geystay Gabadh

focus

Somaliland Oo Xukun DIL Ah Ku Riday Nin Kufsi Iyo Dil U Geystay Gabadh

Somaliland Oo Xukun DIL Ah Ku Riday Nin Kufsi Iyo Dil U Geystay Gabadh

(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Gobolka Awdal ee Somaliland ayaa Maanta oo Arbaca ah waxaa ay xukun Dil toogasho ay ku riday Nin hore fal isugu jiray kufsi iyo Dil Gabadh u geystay.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Cabdi Siciid Muuse oo ah Ninka falka u geystay Gabadha oo kamid aheyd dadka deegaanka degmada Garbadadar Gobolka Awdal lagu helay caddeymo uuna qirtay falkaas.

Marxuumada ayaa lagu magacaabi jiray Shukri Yuusuf Xuseen, waxaana Eheladeeda ay sheegeen inay doonayan in xukunka Dilka toogashada lagu fuliyo Cabdi Siciid Muuse.

Maxkamadda Gobolka Awdal ee Somaliland ayaa hore sidaan oo kale waxaa xukuno ugu diray rag lagu eedeeyay in deegaanada Somaliland ka geysteen fal kufsi ah.

More in focus

To Top