Connect with us

somalilandtoday.com

Tirada Dadka Xanuunku Ku Haleelay Gudaha Somaliland Oo Sii Kordhaysa

focus

Tirada Dadka Xanuunku Ku Haleelay Gudaha Somaliland Oo Sii Kordhaysa

Tirada Dadka Xanuunku Ku Haleelay Gudaha Somaliland Oo Sii Kordhaysa

(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay Tirada dadkii Xanuunka Covid_19 laga helay 24-kii Saacadood ee u dambeeyay.

Wasaaraddu waxay sheegtay in 24-kii saacadood ee u dambeeyey baadhitaan lagu sameeyay 68 Qof, 6 ka mid ahna laga helay Xanuunka.

Lixda Qof ee Xanuunka laga helay ayaa dhammaantood reer Somaliland ah, waxayna kala yihiin 5 Rag ah iyo 1 Dumar ah.

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:
(20jir ilaa 29jir = 3 qof)
(30jir ilaa 39jir = 2 qof)
(40jir ilaa 49jir = 1 qof)

Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeisa 5 qof iyo Ceerigaabo oo ah 1 qof.

Waxaa xanuunka ka bogsaday 8 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Boqol iyo Lix iyo Konton (156).

More in focus

To Top