Connect with us

somalilandtoday.com

Nin Ku Taajiray Maalin Kaliya Kaddib Markii Uu Helay Dhagxaan Qaali Ah

focus

Nin Ku Taajiray Maalin Kaliya Kaddib Markii Uu Helay Dhagxaan Qaali Ah

Nin Ku Taajiray Maalin Kaliya Kaddib Markii Uu Helay Dhagxaan Qaali Ah

(SLT-Tanzania)-Nin u dhashay dalka Tanzania ayaa hal maalin gudahood ku taajiray kaddib markii uu helay laba dhagxan oo qaali ah- kuwaas oo lagu sheegay dhagxantii ugu weyneyd ee dalkaas laga soo saaro.

Ninkan oo lagu magacaabo Saniniu Laizer wuxuu helay 3.4 malyan oo doollar kaddib ay dhagaxanta ka iibsatay wasaaradda macdanta ee Tanzania.

Dhagxantaas ayaa laga helaa waqooyiga Tanzania oo kaliya ah, waxaana laga sameeyay qalabka la isku qurxiyo sida dhega-dhegaha.

Saniniu Laizer wuxuu sheegay in maanta uu qaban doono munaasabad weyn uu ugu dabaaldegayo farxadda.

Waxaa uu sheegay in uu dhiso iskuul iyo sidoo kale xarun weyn oo laga dukaameysto.

Madaxweynaha Tanazania ayaa telefoon u diray ninka dhagaxanta soo helay , waanu u hambalyeeyay.

More in focus

To Top