Connect with us

somalilandtoday.com

Askari Ka Tirsan Ciidammada Dawladda Soomaaliya Oo Gabadh Dhalinyaro Aheyd Ku Dilay Muqdisho

focus

Askari Ka Tirsan Ciidammada Dawladda Soomaaliya Oo Gabadh Dhalinyaro Aheyd Ku Dilay Muqdisho

Askari Ka Tirsan Ciidammada Dawladda Soomaaliya Oo Gabadh Dhalinyaro Aheyd Ku Dilay Muqdisho

(SLT-Muqdisho)-Wararka aanu ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay degamada Hodon nee gobolka Banaadir lagu dilay Gabadh dhalinyaro aheyd xilli ay saarneyd Mooto Bajaaj.

Dilkan ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya rasaas uu ku furay Mootada ay saarneyd xilli ay maraysay Wershaddii hore ee caanaha kuna taalla degmada Hodon nee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dilka kadib askrigu uu gobta iskaga baxsaday iyada oo ay goobta soo gaadheen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo fadhiisin ku lahaa goobta Meydka gabadhana goobta ka qaaday.

Gabadha dilka loo geystay ayaa lagu magacaabi jiray Xamdi Cabdillahi iyada oo wararaku ay sheegayaan in xilligaas ay ka timid goob dumara lagu qurxiyo o ay iyadu laheyd hoygeedan ay kusii jeedday.

More in focus

To Top