Connect with us

somalilandtoday.com

Jabuuti, Soomaaliya Iyo Qadar Oo Diiday Inay La Saftaan Masar

focus

Jabuuti, Soomaaliya Iyo Qadar Oo Diiday Inay La Saftaan Masar

Jabuuti, Soomaaliya Iyo Qadar Oo Diiday Inay La Saftaan Masar

(SLT-Qaahira)-Dalka Soomaaliya, Jabuuti iyo Qadar oo xubno ka ururka Jaamacada Carabta ayaa ganafka ku dhuftay qorshe ay dawladda Masar ku dalbanaysay in lagu taageero kiiska Biyaha Wabiga niilka ee ka dhanka ah Biyo Xidheenka Abay oo ay Dawladda Ethiopia qorshihiisa wado.

Kulan ay isugu yimaadeen wadamada xubnaha ka ah ururka jaamacada Carabta oo qabsoomay shalay ayay hadhaysay xiisada ka jirta dalka Libya iyo muranka u dhaxeeya Wadamada Ethiopia iyo Masar.

Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo dalka Qadar, oo ah waddamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacada Carabtu, waxay diideen inay u hogaansamaan go’aanka Jaamacadda Carabta ee taageeraya Masar kiisaska biyaha wabiga Niilka.

Dhanka kale, Safiir Ku-xigeenka Koofurta Suudaan ee Itoobiya, David Ding ayaa walaac ka muujiyay cabashadii labaad ee Masar oo ay u gudbiyeen Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo dalbaday in faragelin lagu sameeyo arrimaha GERD.

More in focus

To Top