Connect with us

somalilandtoday.com

Bangiga Adduunka Oo Soomaaliya Ugu Deeqay Dhan $55 Milyan Oo Dollar

focus

Bangiga Adduunka Oo Soomaaliya Ugu Deeqay Dhan $55 Milyan Oo Dollar

Bangiga Adduunka Oo Soomaaliya Ugu Deeqay Dhan $55 Milyan Oo Dollar

(SLT-Muqdisho)-Bangiga Adduunka ayaa meel mariyay in la siiyo Soomaaliya lacag dhan $55 milyan oo dollar, kaasoo loogu tala galay kabka miisaaniyadda, xilligan adag oo Caalamka oo dhan saameyn ku yeeshay Cudurka Covid 19.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay inay aad uga faraxsan yihiin tallaabadan u qaaday Bangiga Adduunka, waxaana uu xusay inay ku timid habka wanaagsan ay ula shaqeeyaan Hay’addaha dhaqaalaha Adduunka oo ugu horreeyo Bangiga Adduunka.

Mr Beyle ayaa sheegay in lacagtan ay ka dhaxeyso dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada

Xukuumadda Soomaaliya ayaa saddexdii sanno ee u dambeeyay ku guuleystay hagaajinta hannaanka maamulka maaliyadda, waxaana ay ku muteysatay inay buuxiso shuruudihii deyn cafinta oo haatan maraya marxaladihii u dambeeyay.

More in focus

To Top