Connect with us

somalilandtoday.com

Nin Soomaali Ah Oo Xaaskiisa Ku Dilay Dalka Jarmalka

focus

Nin Soomaali Ah Oo Xaaskiisa Ku Dilay Dalka Jarmalka

Nin Soomaali Ah Oo Xaaskiisa Ku Dilay Dalka Jarmalka

(SLT-Cloppenbugr)-Subaxnimadii Shalay oo Axada ahayd goor hore ayuu ninkeedu tooray ku dilay haweenay lagu magacaabi jiray Layla Siciid gobalka Niedersachsen magaalada Cloppenbugr ee dalka Jarmalka.

Ninka dilka u gaystay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Faarax Cali Muus ayaa sida dad eheladiisa ahi xaqiijiyeen sheegeen inuu laba bilood oo kaliya qabay haweenaydan gacantiisa ku baxday,

Layla ayaa ahayd Hooyo wiil yar oo 2 sanno jir ah haysatay taas oo ka mid ahayd Qaxoonti Jarmalku 1 sanno ka hor ka soo qaaday Dalka Masar.

illaa iminka lama oga sababta dilka balse dad ehelada ninka dilka gaysay ka mid ah waxay sheegeen in aan hore wax muuqdaa ugu dhaxayn isla markaana ay ku faraxsanaayeen noloshooda cusub ee ay ku midoobeen

Booliska ayaa gacanta ku dhigay Ninka dilka gaystay waxana socota baadhid dheeri ah oo ay ku baadhayaan Boolisku sida falku u dhacay iyo sababta dilka.

More in focus

To Top